U bood dhigaalka

Muxuu yahay warka cusub ee uu Turkigu ka soo saaray wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya?

Ayadoo bishan socata e September loo madlanaa wareeggii 3-aad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, Turkiguna uu dhexdhaxaadiye ka yahay ayay dowladda dalkaasi ku dhawaaqday qorshe cusub oo ku saabsan wada-xaajoodka labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo wareysi siiyay wakaaladda wararka dalkiisa ee Anadolu ayaa sheegay inay sii wadi doonaan wada-hadallada Muqdisho iyo Addis Ababa, islamarkaana ay rajaynayaan in xal laga gaari doono.

Wasiir Hakan ayaa sidoo kale tilmaamay in Turkigu asagoo ka duulaya waayo-aragnimo uu ka helay labadii wareeg ee wada-hadalladii hore uu go’aansaday in labada dal meel kale lagu kulansiiyo, si ay isugu soo dhowaadaan inta aan la tagin magaalada Ankara oo ah madasha la doonayo in xalka ugu dambeeya lagu gaaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa guuldarrada labadii wareeg ee wada-hadalladii hore ku eedeysay Taliska Abii Axmed oo weli sii wada falalka dhaawacaya midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lamana oga sida ay labada dal isugu soo dhowaan karaan, ayagoo Addis Ababa aanay ka soo dabcin damaceedii guracnaa iyo heshiiskii gardarrada ahaa.