U bood dhigaalka

Maqaal: deriskeena deganaanteenu dhibayso

Dalka Soomaaliya waxa uu  dhacaa cirifka bari ee qaaradda weynta afrika ku magacaaban, wuxuuna leeyahay bed dhuleed balaaran oo  isku darka talyaaniga iyo faransiiska ka wayn iyo mid badeed oo aad u dheer oo ka sukow shidaal, kalluunka, luulka, dahabka, iyo cambarka muushka ka ah rabbi qoondo iyo qadan uga dhigay marin biyood ganacsiga iyo isku gooshidda gaadiidka badda laf-dhabar u ah.

Waxa uu kaalimaha hore kaga dunida hodanka ah markii la eego goobta uu ku yaal iyo barwaaqada jaad walba leh ee dhex ceegaagta, hayeeshee dadkiisu waa kuwo nabad-galyo xumada iyo saboolnimada astaan u ah oo markii labadaa mid kamida laga hadlayo tusaalaha koobaad loo soo qaato, asaagooduna  lamid noqashadooda ka wadeecaystaan.

Madaxda dalalka ayaa hadal-jeedintooda shirarka golaha loo dhanyahay ku soo dara weedho amaan ka tagan oo ay kamid yihiin”dalalka ay colaaduhu ka jiraan sida soomaaliya, dowladaha taagta daran ee soomaaliya, xaqootiga soomaalida ee halkaa ku nool, soomaaliya waxaan ugu deeqnay dhaqaale intaas la eg si wax looga qabto abbaarta ka jirta iyo nolol xumida dadkeeda haysata, ciidamadeena ayaa gobol soomaaliya kamid ah duqeymo ka fuliyay, ku dhawaad 2.4 malyan oo soomaali ah ayaa gurmad deg deg ah u baahan iwm”.

Hadal-haynta caynkaas ah iyo firxadkooda ifkoo dhan ku baahsani waxay soomaalida ka dhigeen kuwo caan ah oo meel walboo dhulka  Eebbe ka mid ah dhibaatada haysata lagaga sheekaysto, tiraab maalmeed uumiya iyo kulamada dadweynaha aduunkana si joogto ah loogu adeegsado oo madal kastoo la joogo ay hubaal tahay in wax uun ayaga ku saabsan lagu soo qaato.

Waa run beri waan ahaan jirnay qaran awood badan oo cudud ciidan iyo dhaqaale dhisan ku caana maalaya, shacabkiisuna ay nabad ku caweeyaan ayagoo aan haba yaraatee walwal ka bad-qabkooda, iyo dhammaan baahiyadooda heer koobaad ah”aas-aasiga ah”, kuna taamayay inuu isku filnaasho  buuxda gaadho oo uu ka maarmo waxyaabaha dibadda uga yimaada hayeeshee xilligaa waxaa ka dambeeyay wax aynaan warintooda waayo idil koobi karayn.

Haddaba intaa garatay  oo aniguna waan qiray adiguna iguma diidanid, yididiiladeeda dadkeenuna waa inaanu mar uu hoogan na daashaday iyo il-xumadan na halakaysay ka baxno, hayeeshee midda la yaabka leh ayaa ah inay jiraan dalal badan oo jecel inaanu meeshaan hadda joogno ku cimri dhammaysanno oo aynaan xasilooni helin, dhibteedunana ay u tahay wax ay ku dhaataan oo ay danohooda si feecan uga dhex arkaan.

Kuwaasi cidda ay yihiin inaan kuu sheego uma baahnid maxaa yeelay waad garanaysaa, hadh iyo habeenna waxaad indhahaaga shantaa ku aragtaa ama dhegta ka maqashaa ayagoo fara-gelin toos ah, kala furfurid, iyo falal guracan oo midnimada iyo dagganaanta dalkeena halis ku ah maleegaya, gar-darro cad iyo gafaf joogta ahna inagu haya oo hadba doc inaga soo wareemaya si aan xarigba xarig inoogu qaban.

Ayadoo ay taasi marag ma doonto tahay, waxyeelada aan ka waaqsashada lahayn oo ay deriskaa qalalaaseheena danta mooday inagu hayaahina ay u muuqato mid aan kala go’ lahayn ayaa tu kaloo anfariir lihi waxay tahay in dad soomaaliyeed oo jaad walba leh  hagar-daamadaa fududaynteeda loo adeegsado oo ay masaarta/faaska shisheeyaha ee waxyaaba ina goynaysa/goynaya daab u yihiin, waxaan maqli jiray geed baa yidhi”gudinyahay haddaan gabalkay kugu guda jirin wallee sidan iima goyseen”.

Ugu dambayn colka waraf ma lagu dayayba ha iska ahaatee, waxaa talo ahaan ila quman inaanu cadowga ina xagal-daacinaya isku kala daadintiisa ka waantowno oo aanu u midowna sidii aan taag darrada iyo tabaalada summadda inoo noqday isaga maydhi lahayn, dhulkeenana u tabcan lahayn oo gaajada iyo gaalo tuugsiga uga bixi lahayn.