U bood dhigaalka

Madaxweynaha Faransiiska oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalkaas

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalkaas.

Danjire Maxamed Cali Nuur oo dhowaan la magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhin doona magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska ayaa la filayaa inuu ka shaqayn doono xoojinta xariirka labada dal oo aan wixii burburkii dalka ka dambeeyay firfircoonayn.

Faransiiska ayaa kamid ah 5-ta dal ee codka diidmada qayaxan ku leh Qaramada Midoobay, gaar ahaan golaha ammaanka, Soomaaliya oo dhowaan golahaas ku biirtayna waxaa muhiim u ah inay xariir wanaagsan la yeelato dalalka dunida ugu saamaynta badan sida ay xeeldheereyaashu qabaan.