U bood dhigaalka

Magaalada Istanbul oo lagu soo gabagabeeyay shir u dhexeeya wasaaradda Maaaliyadd XFS iyo Hay’adda lacagta Adduunka

Waxaa maanta la soo gaba gabeeyey dib u eegistii 2-aad ee Barnaamijka ay taageerto Hey’adda Lacagta Adduunka IMF ee dib u habaynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya oo Sabtidii la soo dhaafay shir looga hadlayey uu ka furmay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Inta uu socday shirkaan waxaa diiradda lagu saaray sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’antahay sii wadidda qorshayaasha horumarineed ee Maaliyadda iyo dhaqaalaha, xaaladda maanta taagan iyo u gogol xaaridda Seddexda sano ee soo socota halka la filayo inuu ahaado Hiigsiga Dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo xiritaankii shirka ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dhammaan ku guulaysatay fulinta qorshayaasha iyo gaaridda yoolkii Horumarinta dhaqaalaha.

Wada-xaajoodka Dowladdu ay la lee dahay Hey’adda IMF, yoolasha lagaaray waxaa ka mid ah sida uu tilmaamay Wasiirku, Dakhliga Dowladda oo kobac sameeyay kadib markii la casriyeeyay habka iyo nidaam uruurinta, Maareynta Maamulka kharashaadka Dowladda, iyada oo la marinayo habraacyada shuruucda Maaliyadda.

Sidoo kale Banigiga Dhexe ayaa xaqiijiyay dhammaan himilooyinkii lagu hormarinayay Siyaasadaha iyo Shuruucda Bangiga.
Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya lagu amaanay qorshaha Isbedelka Qaranka (National Transformation Plan) oo hadda ay ku howlan tahay Xukumaddu in ay soo dhameystirto.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay inay yihiin Laf-dhabarta Dowladda ku waas oo qeyb weyn ka qaatay isbedelka, horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, isagoo ku amaanay dadaalkooda cashuur-bixineed iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qeybgalay Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta, Batroolka, Cadaaladda, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xarunta Warbixinada Maaliyadda, Lataliye-yaasha Dhaqaalaha ee Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha JF Soomaaliya.