U bood dhigaalka

Shirka Golaha Wadatashiga qaran oo ka furmaya Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa la filaayaa in uu ka furmo maalmaha soo socda shirka golaha wadatashiga qaran oo ka kooban dawlada federaalka, madaxda dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan waxaan ka qeyb gali doonin maamulka Puntland oo labadii Shir ee hore ka maqnaa.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa in ay soo gaaraan madaxweynayaasha dawlada goboleedyada Jubaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed

Villa Somalia ayaa ajandaha shirka ku sheegtay in looga arrinsanyo arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin dhameystirka dastuurka , Doorashooyinka la dagalaanka Al-shabaab.

Shirkaan oo uu Gudoomin doonna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale looga hadli doonnaa sidii loo adkeyn lahaa amniga deegaanadii laga xoreeyay Shabaab iyo sii amba qaadida howlgalka.