U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka Qeyb-galay munaasabadda xilka ku wareejinta Taliyaha cusub ee Booliska

’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad ay xililka kula kala wareejiyeen Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyeed, Sarreeyo Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Taliyihii hore, Sarreeyo Gaas Sulub Axmed Firin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Taliyihii hore, dadaalkiisii iyo hoggaamintiisii wanaagsanayd intii uu xilka hayay. Isaga oo  kula dardaarmay taliyaha cusub in uu sii amba-qaado hawlaha muhiimka ah ee ciidamada Booliska, kana shaqeeyo horumarinta amniga iyo nabadgelyada dalka. 

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin dowladnimada, isla markaana looga baahan yahay in ay ilaaliyaan waajibaadka loo igmaday, si kalsoonida ay ku qabaan bulshadu u noqoto mid sarreysa.