U bood dhigaalka

Mareykanka oo ka digay weerar lagu qaado Xarumaha hubka Nukliyeerka ee Iran

Sheeko:War

Dowladda Mareykanka ayaa si cad uga soo horjeesatay in la weeraro xarumaha Nukliyeerka ee dowladda Iran taasoo sheegtay in khasaare weyn uu ka dhalan karo.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay inuusan taageereyn in Israa’iil ay weerar ku qaado xarumaha nukliyeerka ee dalka Iiraan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iiliyiintu ay xaq u leeyihiin in ay ka jawaabaan weerarka, balse looga baahan yahay in ay si feejigan u sameeyaan.

Hadalka Mr. Biden ayaa yimid kadib markii Washington ay ballan qaaday inay la shaqeyn doonto Israa’iil si loo hubiyo in Iran ay wajahdo cawaaqib adag oo ka dhalanaya weerarka.

Dhanka kale, madaxweynaha Iran, Masoud Pezesh-kiyan, ayaa sheegay in Texraan ay ku khasbaanatay inay jawaab bixiso. Waxaa uu ka digay in haddii Israa’iil ay mar kale weerarto Iran, markaas Texraan ay bixin doonto jawaab tii hore ka daran.