U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Sucuudiga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi  ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Sucuudiga u jooga Soomaaliya mudane Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Taliyaha iyo Danjiraha ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga amniga ee labada dal,  ka hortagga qataraha argagixisada, xoojinta taageerada Boqortooyada Sucuudiga ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ladagaallanka kooxaha xagjirka ah.

Dowladda Sucuudiga ayaa kamid ah saaxiibada istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, waxayna labada dhinacba ku wada jiraan isbahaysiyo dhowr ah.