U bood dhigaalka

Da’yarka Naf-huridda ugu jira meel-kasoo-saaridda Daddka Deegaankiisa

Sheeko:Waxbarashada

Aqoon la’aani waa iftiin la’aan ayey Soomaalidu tiraahdaaye, muhiimadda ay Waxbarashadu u leedahay qofka Banu-Aadamka ah, waa mid wajiyo badan oo aan faa’iidadeeda ka wada dheregsannahay. Mar waxa aan aqoonta ka helnaa ogaal iyo wacyi aan ku kala saarno waxa qaldan iyo waxa saxan iyo waxa nafteenna u wanaagsan.

Mar kale waxaan ku anfacnaa dadkeenna iyo dalkeenna, mar kalena waxay nagu hagtaa tubta habboon ee aan wanaag ugu hormarsan karno maalinta aakhiro. Qofka intaas cagsigeeda ayuu ku sifoobayaa haddii uusan waxba baran. Farqiga u dhaxeeya qof wax bartay iyo midka kale markii uu Ilaahey SW ka hadlayay waa isaga Suubbanaheenna ku lahaa “ku dheh miyey siman yihiin kuwa waxbartay iyo kuwa aan waxba baran.”

Axmed Maxamud Maxamed, oo ah wiil dhallinyaro ah kuna nool magaalada Cadaado, ayaa isagoo intaas iyo in ka badan ba maanka ku haya, waxa uu si is-xilqaan ah wax u baraa muddo 2sano ah carruurta ay dhaleen dadka deggan tuulooyinka hoos yimaada magaalada Cadaado. Balli-higis oo ah tuulo 6km u jirta Cadaado, ayaa ugu weyn meesha uu sida is-xilqaanka ah carruurta wax ugu baro. Axmed iyo dhallinyaro kale oo uu hormuud ka u yahay ayaa la taacala duruufta waxbarasho la’aanta ah ee ka jira gobolka Galgaduud gaar ahaan tuulooyinka hoos taga magaalada Cadaado oo ay ugu horreyso tuulada Balli-hagis.

Sida ay Axmed iyo dadka deegaankuba sheegayaan, waxaa xusid mudan in ay jiraan duruufo caqabad ku ah iney sii socdaan dadaalladaas naf-hurnimada leh ee carruurta Balli-higis wax lagu barayo. Axmed iyo saaxiibadiis waxa ay ku nool yihiin magaalada Cadaado, isla markaana waxa ay safar dheer u galaan sidii ay carruurta Balli-higis joogta daraaso u soo siin lahaaye.

Sidaas daraaddeed waxa ay iska maareeyaan jeebkooda marka ay Balli-higis u baxayaan iyo marka ay soo laabanayaanba. Sidoo kale waxaa xusid mudan in iskuulkaan laga soo bilaabay geed hoostiisa in carruurta wax lagu baro oo ay waqti-badan saaxiib-la’ahaayeen dabeysha iyo qorraxda dhaceysaba, gabbaad fiicanna aysan ka haysan ,illaa daddkii deegaanka ay wacyigalin u sameeyeen oo ay dhisteen labo qol oo carruurta wax loogu baro. Intaas waxaa u sii dheer in aysan carruurtu heysan agabkii aas-aasiga u ahaa waxbarashada sida buugaagtii, qalimadii, kuraastii iyo uniform kii.
Waxaa xusid mudan ineysan dadka deegaanku awood u lahayn iney la yimaadaan dhaqaalihii ay ku xallin lahaayeen caqabadaas, maaddaama ay yihiin dad ay saameyn ba’an ku yeelatay abaaraha soo noq-noqda ee ka jira Soomaaliya oo dhan si gaar ah gobollada dhexe, tiiyoo ay jirto iney u sii dheer tahay colaado sokeeye oo mararka qaar ku kallifta iney deegaannadooda ka barakacaan.

Ustaad Axmed iyo macallimiinta dadaalkaan ku wehlisa, carruurta iyo waalikoodba, waxa ay dadka Soomaaliyeed, maamulka Galmudug si gaar ah wasaaradda Waxbarashada, haayadaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, ka codsanayaan iney ku taageeraan shaqadaan qiimaha badan ee ay hayaan, si loo badbaadiyo loona dhiso mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed ee ku nool deegaannadaas.