Saameynta geeska Afrika oo gacanta u gashay Soomaaliya iyo xulafadeeda
Tan iyo markii ay soo ifbaxday xiisadda Soomaaliya iyo maamulka Abii Axmed, taas oo ka dhalatay heshiishkii Soomaaliland iyo Addis Ababa oo xadgudub cad ku ahaa midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa socday dadaallo mira-dhalay oo la doonayay in gefkaas bareerka ah looga hortago.
Dowladda Soomaaliya oo ka duulaysa xuquuqda xeerarka ahi u siinayaan inay gobanimadeeda difaacato ayaa qaaday tillaabooyin waaweyn oo dhinaca dublamaasiyadeedda ah, kuwaas oo keenay in dhammaan dalalka dunida ay meel uga soo wada jeesteen xadgudubka Itoobiya, islamarkaana ay taageereen midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Inkastoo Soomaaliya ay guushaas caalamiga ah ka gaartay dadaalkeedii ku aaddanaa ka hortagga gardarrada maamulka Abii Axmed, haddana dhinaca Addis Ababa weli gefkii ay xeerarka caalamiga ah iyo hannaanka deris wanaagga ku naafeeyeen kama garaabin, taas badelkeedana Itoobiya waxay billowday gefafka kale oo madax-bannaanida Soomaaliya ka dhan ah.
Dhinaca kale markii ay guullo darro ku soo dhammaadeen shirarkii magaalada Ankara, islamarkaana dhanka Addis Ababa waxba ka socan waayeen, Soomaaliya waxay go’aansatay in ciidamada Itoobiya aysan ka noqan doonin howlgalka cusub ee badeli doona ATMIS, balse maamulka Abii Axmed wuxuu arrintaas uga jawaabay in nabad-gelyada geeska Afrika ay qasab tahay in ayaga wax laga weydiiyo, islamarkaana taladooda aan cidina ka boodi karin.
Dooddaas ayaa ah mid ay Itoobiyaanku qarniyo badan rumaysnaayeen, ayagoo sheeganaya inay gobolka hoggaanka u hayaan siyaasad ahaan iyo nabad-gelyo ahaanba, balse haatan wax waliba way is badeleen.
Soomaaliya oo horay fagaareyaasha caalamiga ah uga adkaatay maamulka Abii Axmed ayaa haddana gacanta ku dhigtay saameynta geeska Afrika, ayadoo kaashanaysa saaxiibadeeda istiraatiijiga ah.
Dhowaan waxaaa magaalada Asmara ku shiray madaxda Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, waxayna halkaas kaga dhawaaqeen isbaheysi xooggan oo awoodda siyaasadeed iyo saameynta xaaladaha gobolkaba aan cidina kula tartami karin.
Dhammaan dalalkaani waa kuwo Itoobiya kula colloobay damaceeda qar iska xoornimadu ku larantahay, wayna ku hareeraysanyihiin oo tillaabo walba oo maan-gal ah ayay ka qaadi karaan, taas oo muujinaysa in maamulka Addis Ababa oo go’doon ku jiro.
Si kastaba ha ahaatee isbaheysiga Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea ayaa dharnaaxyo kulul ku noqanaya Itoobiya, halka Soomaaliya uu uga dhiganyahay guul taariikhi ah.