U bood dhigaalka

Maxaa lagu xasuustaa 14-ka Oktoobar ?

7 sano ka hor 14-kii bishii Oktoobar sanadkii 2017 waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Soobe ka dhacay mid kamida qaraxyadii ugu dhimashada badnaa, kaas oo ay ku naf waayeen ku dhowaad 1000 qof, halka dhaawacuna uu tiro beel noqday.

Qaraxa ayaa waxaa sababay gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxaha laga soo buuxiyay, kaas oo ku qarxay bartamaha waddada mashquulka badan ee Soobe, waxaana ka dhashay waxyeello nafeed oo baaxad leh, taas lagu tilmaamay xasuuq.

Ka sokow dadka durbadiiba qaraxa xooggiisa iyo dabkii uu sababay ku naf waayay ama ku dhaawacmay, waxaa jiray tobanaan qof oo raqdooda iyo ruuxdooda midna la waayay, ka dib markii ay ku dumeen dhismeyaal ay ku jiraan ama hilibkoodii qaraxu jar-jaray, ka dibna muddo dheer la baafinayay.

Musiibadaas oo ay kooxda Alshabaab ka ahaayeen ayaa diiwaanka xasuuqyada ama madhooyinka lama iloobaanka ah ugu jirta ummadda soomaaliyeed, waxaana goobtii uu qaraxaas bahalnimada ahi ka dhacay sanado ka hor laga dhisay taallo lagu xasuusto muwaadiniintii halkaas lagu gumaaday.