U bood dhigaalka

Soomaaliya oo deeq waxbarasho siinaysa ardayda dalka Suudaan

Sheeko:Waxbarashada

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay deeq waxbarasho siinayso ardayda dalka Suudaan ee ay saameynta ku yeesheen colaadaha dalkaas ka holcayaahi.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay deeq waxbarasho siineyso ardayda u dhalatay dalka Suudaan ee ku nool Soomaaliya, maadaama Suudaan ay abaal weyn ku leedahay dadda Soomaaliyeed oo muddo dheer ardayda Soomaaliyeed ka caawineysay waxbarashada.

“Dowladda Suudaan waxa ay ka mid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dalka Suudaan ayaa muddo dheer ahaa meel ahay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho u tagaan, islamarkaana ay ugu noolaan karaan inta waxbarashadu u socato, ayagoo aan wax caqabado ah la kulmin, balse hadda wax waliba way is badeleen oo dalkaasi wuxuu ku jiraa dagaal sokeeye oo aan la ogeyn meesha uu ku dhammaan doono.