U bood dhigaalka

Hay’adda duulista rayidka ah oo beenisay in dil diyaaradeed uu ka dhacay dalka

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa saartay war qoraal ah oo ay dadweynaha Soomaaliyeed kula wadaagayso in uusan jirin shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka, Hay’adda ayaa been abuur ku tilmaantay warar baraha bulshada lagu faafiyey.

“Hay’adda Duulista oo mas’uul ka ah kor joogtaynta diyaaradaha uu wadanku leeyahay waxay u cadaynaysaa shacabka inay wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah oo uu soo maleegay cadowga Soomaaliya,’ ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saartay SCAA.

Qoraalka Hay’addu soo saartay ayaa intaas ku sii daray “Dhamaan Helicopteradii iyo diyaaradii kale ee ay dowlada Soomaaliya lasoo degtay labadii sano ee lasoo dhaafay waa bad-qabaan shaqadii qaran ee loogu talo galay ayeyna ku guda jiraan.”