U bood dhigaalka

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la yeeshay danjiraha boqortooyada Sucuudiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad.

Safiirka ayaa ugu horeyn bogaadiyay shaqada Golaha Shacabka iyo sidoo kale guud ahaan horumarada ay ku talaabsaneyso dowladda Soomaaliya, waxa uuna sheegay xiriirka ka dhaxeeya labada wadan uu meel wanaagsan marayo sidoo kalena dowladda Sucuudiga ay diyaar u tahay xoojinta taageerida Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo dowladda Sucuudiga uga mahadceliyay taageeradeeda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay horumaro la taaban karo ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo
dhaqaalaha isaga oo dhanka kale sheegay in Soomaaliya iyo Sucuudiga uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan ku saleysan.