U bood dhigaalka

Itoobiya oo doonaysa in maamulka deegaanka Soomaalida ay gacanta u galiso dad aan Soomaali ahayn

Magaalada Jigjiga iyo guud ahaan dhulka Soomaali galbeed ee la haysto waxaa ka taagan hadal-hayn baaxad leh oo ka dhalatay fal la yaab leh oo dhowaan halkaas ka dhacay, kaas oo dadweynaha iyo maamulkuba ay wada-jir uga dhiidhiyeen.

Dhacdadan ayaa ahayd in dowladda Itoobiya ay shir ugu yeertay boqol oday oo waxgaradka Soomaalida dgulkaas kamida si ay ugala hadasho arrimaha deegaanka, balse markii ay tageen madashii ayaa loo sheegay in 25 kamid ah odayaash laga soo xulayo qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya, ayaguna ay keliya xaq u leeyihiin 75 xubnood.


Odayaashii goobta ku sugnaa oo arrintaas ka gadooday ayaa shirka buuq ka dhex aloosay, waxayna sheegeen in wixii deegaankooda ku saabsan aan lagala hadli karin cid aan Soomaali ahayn.

Sidoo arrintan ayaa kacdoon bulsho iyo hadal-hayn abuurtay, ayadoo ay dadweynuhu ka walaacsanyihiin in maamulka magaalada jigjiga iyo guud ahaan Soomaali galbeedba hadda ka dib Amxaaro iyo Oramo wax laga weydiin doono.

Guuxa ka jira magaalada jigjiga ayaa cirka isku sii shareeraya, ayadoo dadweynaha iyo Siyaasiyiinta deegaankuba ay si adag uga falcelinayaan falka bahdilaadda ku ah Soomaalida ee ay Itoobiya ku dhaqdhaaqday.