Taliyaha ciidanka Booliska oo soo sagootin u sameeyay saraakiil tababar ku qaadanaya Masar
Sheeko:Warar & Warbixino
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2024/10/26131645/FB_IMG_1729937350696.jpg)
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sagootin rasmi ah u sameeyay saraakiil muddo sanad ah tababar layli sargaal ah ugu maqnaa dalka Masar.
Saraakiishan oo dalka dib ugu soo laabtay si ay daraasado la xiriira waxbarashadooda u sameeyaan, ayaa hadda mar kale dib ugu laabanaya Masar si ay u sii wataan tababarkooda.
Taliyaha ayaa kula dardaarmay in ay si hufan uga faa’iideystaan tababarka mudada u harsan.
Wuxuu sidoo kale u rajeeyay in ay si guul leh ku dhammaystaan tababarkooda, si ay ugu adeegaan Qaranka Soomaaliyeed iyagoo xirfad iyo aqoon sare leh.