U bood dhigaalka

Ganacsato ku hanti beelay dab ka kacay Muqdisho

Sheeko:War

Xalay dab ayaa ka kacay xarumo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Shaqaalaha, kuwaas oo lagu iibin jiray qalabka elektarooniga iyo maqaayad ku dhowayd goobtaas. Dabku wuxuu si gaar ah u saameeyay carwo lagu iibin jiray mobillada cusub iyo cilad-bixinta.

Milkiilaha goobta gubatay ayaa Goobjoog u sheegay in uu khasaaray hanti lagu qiyaasay 70,000 oo dollar uu ku waayay carwadaasi. Waxay ahayd mid ganacsi muhiim ah oo saamayn weyn ku lahayd suuqa deegaankaas.

Milkiiluhu wuxuu sheegay in dab-demiska ay goor dambe soo gaareen goobta, taas oo sii hurisay khasaaraha.

Waxa uu intaa ku daray in dabka laga shakisan yahay in uu ka dhashay koronto, taas oo mararka qaar halis gelisa xarumaha ganacsiga ee ku shaqeeya qalabka elektarooniga.

Dabkaas ayaa abuuray jahawareer iyo cabsi ku dhex faafay ganacsatada iyo dadka deggan agagaarka isgoyska Shaqaalaha, iyada oo ganacsiyo kale oo ku dhowaa goobta gubatay ay dadaal ku bixiyeen in ay badbaadiyaan hantidooda.

Dadweynaha iyo ganacsatada Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay dib u dhaca adeegyada dab-damiska, iyaga oo dalbanaya in maamulka magaalada iyo hay’adaha mas’uulka ka ah arrimahan ay tallaabooyin degdeg ah ka qaadaan si loo hagaajiyo adeegyada dab-damiska, korontada, iyo badbaadada guud ee ganacsiyada.