Maxay ka dhigantahay tillaabada ay dowladda Soomaaliya qaaday ee ay dalka uga ceyrinayso dublumaasiga Itoobiyaanka ah
Dowladda Soomaaliya ayaa saacado ka hor ku dhawaaqday tillaabo adag oo ka dhan ah Itoobiya, ayadoo sargaal ka howlgalayay safaaradda dalkaasi muqdisho ku leeyahay u qabatay inuu muddo 72 saacadood ah dalka uga baxo.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa sargaalkan oo lagu magacaabo Cali Maxamed Aadan ku eedeysay inuu faraha kula jiray arrimo xad-gudub ku ah sharciga iyo madax-bannaanida dalka, waxayna sheegtay inaan sii joogistiisa Soomaaliya looga baahnayn.
Wasaaraddu ma sheegin falalka uu ninkani ku foognaa, balse waxaa la rumaysanyahay inuu howlanaa qorshayaal Sirdoon iyo dhaqdhaqaaqyo fara-gelin ah oo dowladnimada Soomaaliya ka dhan ah.
Haddaba tillaabada ay dowladda Soomaaliya qaaday ayaa loo arkaa mid loo baahnaa, balse xilligeedii ka soo dib dhacday maadaama xurgufka labada dal ay meeshii ugu sarraysay marayso, islamarkaana Itoobiya ay ku foogantahay falal xadgudub ku ah midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.