U bood dhigaalka

Maxay ka wada-hadleen guddoomiyaha golaha shacabka iyo Ergayga Qaramada midoobe ?

Guddoomiyaha golaha shacabka ahna, Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Ergayga ayaa ugu horeyn Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka uga mahadceliyay howlaha la xiriira sameynta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya, waxaa uuna si gaar ah u amaanay shaqada laga qabtay dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo guulihii laga gaaray shirarka Golaha Wadatashiga Qaran.

Ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee ah in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay xafiiska ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed.

waxaa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof igo cod ah, si dadka Soomaaliyeed talada gacantoodu loogu celiyo islamarkaana ay hogaankooda u doortaan.