Cabdi Nageeye oo ku guuleystay tartanka marathon-ka New york
Orodyahanka caanka ah ee Soomaaliga ah, Cabdi Nageeye, oo metala dalka Netherlands, ayaa xalay ku guuleystay tartanka marathon-ka ee caanka ah, kaas oo lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Nageeye ayaa si layaab leh uga adkaaday ciyaaryahanka reer Kenya, Evans Chebet, oo galay kaalinta labaad, kaas oo 2020-kii ku guuleystay tartankan. Wuxuu bandhigay mid ka mid ah orodadiisii ugu awoodda badnaa abid, isagoo ku dhammeeyay tartanka laba saacadood, toddobo daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi.
Daqiiqadihii u dambeeyay ayuu Nageeye ku orday xawaare aad u sareeya, taasoo ka yaabisay dadkii daawanayay tartanka.
Dhanka gabdhaha, Sheila Chepkirui oo ah 33 jir u dhalatay dalka Kenya ayaa ku guuleysatay qaybta dumarka, iyadoo ku dhammeysay orodka 2 saacadood, 24 daqiiqo iyo 35 ilbiriqsi.
ku dhammeysay orodka 2 saacadood, 24 daqiiqo iyo 35 ilbiriqsi.