Maxay ka wada-hadleen madaxweynaha Jubbaland iyo guddi dhexdhaxaadinta maamulkiisa iyo DFS?
Xilli xiisadda u dhexaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland ay cirka isku sii shareerayso, islamarkaana Axmed madoobe uu qaaday tillaabo dhowr ah oo xaaladda uga sii daraya, ayaa magaalada Kismaayo ka dhacay kulan dhexdhaadin ah oo xurgufta labada dhinac lagu qaboojinayo.
Kulanka ayaa dhex maray madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Magaalada iyo wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socotay Dowladda Kenya, islamarkaana ergo ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafdigan oo uu hogaaminayay Xoghayihii hore ee fulinta urur goboleedka IGAD, danjire Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow, ayaa la sheegay inuu madaxweyne Xasan Shiikh ka codsaday inay labada dhinac u kala dab qaadaan.
Inkastoo aan la sheegin qodobada kulanka diiradda lagu saaray, haddana khilaafka ugu weyn ee dowladda fedearaalka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa salka ku haya arrimaha doorashada, wuxuuna hoggaamiyaha maamulkaasi doonayaa inuu doorashadiisa si gaar ah u qabsado.