U bood dhigaalka

Ilhaan Cumar oo mar seddaxaad loo doortay kursiga Aqalka Congress-ka

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa markii seddaxaad ku guulaystay kursiga aqalka Congress-ka mareykanka, kaas oo ay ku matalayso xaafadda shanaad ee gobolka Minnesota, waxayna heshay codad gaaraya %76.4.

Ilhaan ayaa kursigan kula tartantay  Dalia al-Aqidi oo ka socotay  xisbiga Jamhuuriga, asal ahaanna ka soo jeeda dalka Ciraaq,taas oo sheegata inay tahay Muslim cilmaani ah, isla markaana taageersan Israa’iil.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa muddooyinkii la soo dhaafay la kulmaysay caadis uga imaanaya kooxo taageersan Israa’iil, kuwaas oo doonayay inay kursiga dhaafiyaan, islamarkaana qof aan Falastiin taageersanayn ama aan muslim ahayn ay ku badelaan.