U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo magaca ka bedelay mid ka mid ah Wasaaraddaha dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa digreeto ku magaca uga beddelay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, taas oo loo bixiyey “Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.”

Tallaabadan beddelka ah ayaa loogu talagalay in lagu adkeeyo shaqooyinka iyo adeegyada diineed ee ay wasaaraddu u qabato bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la raacayo mabaadi’da diinta Islaamka.

Horumarkan cusub ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo xukuumaddu ku sameyneyso wasaaradaha si ay uga tarjumaan ballanqaadyada ay bulshada la wadaagto.

Wasaaraddu waxay hadda yeelan doontaa awoodo u gaar ah iyo mas’uuliyad sare oo la xiriirta arrimaha Islaamka, si ay u dardargeliso barnaamijyada diinta Islaamka iyo adeegyada diimeed ee bulshada loogu talogalay​​​​​​.

Tani waa qayb ka mid ah isbeddelada waaweyn ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku sameynayso dhismaha wasaaradaha si loo hagaajiyo maamulka iyo adeegyada dowladda ee diinta Islaamka la xiriira.