U bood dhigaalka

Maxay ka dhigantahay dib u magacaabista Janaraal Odawaa ?

Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir aan caadi ahayn ka yeeshay xaaladda nabad-gelyo ee dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ayaa meel mariyay magacaabista taliyiha cusub ee ciidanka xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Janaraalkan ayaa xilka laga qaaday wax ka yar laba sano ka hor, haddana dib ayaa loo magacaabay, waxaana qoraal ay golaha wasiirradu soo saareen lagu sheegay in looga maarmi waayay hoggaaminta ciidanka iyo dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Janaraal Odawaa oo in ka badan 4 sano hoggaaminayay ciidanka xoogga dalka, horayna u soo qabtay xilal kala duwan oo uu kamid ahaa taliyaha ciidanka lugta ayaa loo arkaa nin firfircoon oo ciidanku ay jecelyihiin, islamarkaana ku wanaagsan isku dubaridka, abaabulka, iyo dhiirigelinta ciidanka.

Sidoo kale wuxuu haystaa taageero dadweyne oo baaxad leh, wuxuuna hormuud u yahay saraakiisha hoggaaminta dagaalka iyo qaabaynta awoodda ciidanka hibada gaarka ah u leh ,sida ay qireen xeeldheereyaasha arrimaha milarigu.

Si kastaba ha ahaatee dib u magacaabista Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa loo arkaa natiijo ka dhalatay hoos u dhaca ku yimid dagaalkii dardarta ku socday ee kula jiray kooxda Alshabaab, iyo kala dhalantaalnaan laga dareemay ciidanka mudadii uu xaafiiska ka maqnaa.