U bood dhigaalka

Laba nin oo loo haysto inay afduubteen wariye mareykan ah oo lagu xukumay 30 sano oo xarig ah

Labo nin oo Soomaali ah oo dacwad oogayaasha mareykanki ay ku eedeeyeen burcadbadeed ayaa lagu xukumay 30 sano oo xarig ah,  ka dib markii lagu oogay dacwad ah in sanadkii 2012-kii ay afduubteen wariye Mareykan ah oo muddo laba sano ah afduub loo haystay.

Cabdi Yuusuf Xasan iyo Maxamed Tahliil Maxamed – oo xilal ka soo qabtay dowladda Soomaaliya ayaa loo haystaa afduubkii wariye Michael Scott Moore, sida uu sheegay Damian Williams, oo ah qareenka Mareykanka ee degmada Koonfurta New York.

Moore ayaa ku sugnaa Soomaaliya, isagoo baarayay, warbixinnino ka diyaarinayay falalka burcadbadeedka, balse waxaa afduubtay rag hubaysan oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday sanadkii 2012-kii, sida ay sheegeen saraakiishu, waxaana la haystay muddo 977 maalmood ah, waxaa’se markii dembe lagu sii daayay lacag 1.6 milyan oo dollar ah.

Labada eedeysane midkood oo lagu magacaabo maxamed Tahliil Maxamed ayaa la sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya, dhanka kalen uu ahaa madaxa amniga iyo hubka ee burcad badeeda, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka.

Wariye Moore ayaa la sii daayay bishii Sebtembar 2014, Waxa uuna sheegay in qoyskiisa ay u ururiyeen $1.6 milyan si loo sii daayo,ayadoo mudadii uu xirnaa la sheegay in jirdil iyo dhibaatooyin kale loo gaystay.