U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay doorashada ka socoto Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo hadlay

Doorashada madaxtooyada Somaliland ee maanta, 13-ka Nofeembar 2024, ayaa weli si nabad ah uga socota guud ahaan gobollada Somaliland, iyadoo aan la soo sheegin wax dhibaato ah oo ka dhacay goobaha codbixinta.

Inkastoo qorraxdu aad u kulushahay, haddana shacabka ayaa weli ku jira safaf dhaadheer si ay codkooda u dhiibtaan, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay ka qaybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha xilka haya, Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, ayaa raadinaya muddo xileedkiisii labaad.

Musharraxiinta kale ee tartamaya waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo hogaamiya xisbiga Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga UCID. Labada musharrax ee mucaaradka ah ayaa ballanqaaday isbeddelo siyaasadeed iyo horumarinta adeegyada bulshada haddii la doorto.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa la filayaa inay codkooda ka dhiibtaan in ka badan 2,000 oo goobood oo codbixin ah, iyadoo ay goob-joog ka yihiin 28 goobjooge caalami ah.

Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ayaa oo goor dhow  hadlay markii uu codkiisa dhiibtay ayaa sheegay inuu aqbali doono natiijada doorashada, isla markaana uu si nabad ah xilka u wareejin doono haddii laga guuleysto.

Ilaa iyo hadda, ma jiraan warar sheegaya rabshado ama khalalaase ka dhacay goobaha codbixinta, waxaana doorashadu u socotaa si habsami leh.

Doorashadan ayaa sidoo kale muhiim u ah dadaallada Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah, gaar ahaan iyadoo ay jiraan heshiisyo dhowaan la galay, sida midka lala saxiixday.

Waxaa la filayaa in natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada lagu dhawaaqo maalmaha soo socda, iyadoo shacabka iyo beesha caalamkaba ay si dhow ula socdaan habsami u socodka iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada.