U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Ansixiyay Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka

Mudanayaasha labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si isku raac ah u ansixiyay xeer muhiim ah oo lagu dhisayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS).

Codbixinta oo ka dhacday xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa ka qayb galay 173 mudane, dhammaantoodna waxay isku raaceen in xeerkan la meel mariyo, iyadoo aanay jirin wax kasoo horjeestay ama diiday.

Guddigu wuxuu mas’uul ka noqon doonaa qorsheynta iyo qabashada doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Guddiga waxaa loo dhisayaa si uu uga madax bannaano saameyn siyaasadeed, taas oo sare u qaadeysa kalsoonida shacabka.

Ansixinta xeerkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo hannaanka dimuqraadiyadda iyo federaalka Soomaaliya.