Wararkii ugu dambeeyey natiijada doorashada madaxtinimada Somaliland
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in ay bilaabeen wajigii ugu dambeeyay xalay ee isu gaynta codadkii laga dhiibtay doorashooyinkii dhacay 13-kii bishaan Nufeember.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Muuse xasan Yuusuf ayaa sheegay in inta badan la tiriyay codkii, islamarkaana ay ku howlan yihiin hubinta codadka la dhiibtay.
Waxaa uu sheegay in maanta lasoo gabagabayn doono tirinta codadka ka dibna lagu dhawaaqi doono natiijada saxda ah.
Muuse xasan Yuusuf ayaa mar kale ka digay dadka baraha bulshada ku baahinaya natiijooyin aan rasmi ahayn oo ku saabsan doorashada, isla markaana uu sheegay in ay wax u dhimi karaan habsami u socodka tirinta codadka.
Dadka tirooyinkaasi ku saabsan natiijada aan guddiga ka soo bixin baahinaya ayuu ugu baaqay in arrintaa ay joojiyaan si aaney Khalkhal u abuurin, lagana war sugo guddiga iyo xilliga ay shaaciyaan natiijooyinka rasmiga ah ee doorashadii madaxtooyada iyo tan ururada.