U bood dhigaalka

Janaraal Odawaa oo maanta xilka la wareegaya iyo howlo baaxad leh oo horyaalla

Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta la wareegaya xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka oo dhowaan dib loogu magacaabay,  ku dhowaad sano ka dib markii isla jagadaas laga qaaday.

Munaasabadda ka socata xarunta wasaaradda gaashaandhigga oo ay ka qeyb-galayaan masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda iyo saraakiil ciidan ayuu xilka kula wareegayaa Janaraalkan ay madaxda qaranku qireen in hoggaamintiisa loo darsaday.

Janaraal Odawaa oo ciidanka xoogga dalka hoggaaminayay intii u dhexaysay sanadihii 2019-2022 ayaa haatan laga sugayaa inuu dib u qaabeeya miliriga, islamarkaana uu dagaalka Alshabaab dardargelin iyo guluf cusub ku wajaho.