U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda UNOPS oo kala saxiixday Heshiis ku saabsan maareynta daadadka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guryeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur & Madaxa Hay’adda UNOPS Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku saabsan Maaraynta daadka iyo Naqshadaynta Biyo-mareennada magaalada Baydhabo.

Heshiiskan ayaa diiradda lagu saarayaa daraasadaha maaraynta daadka iyo Naqshadaynta biyo-mareennada magaalada Baydhabo, wuxuuna qeyb ka qaadanayaa yareynta halista fatahadaha roobka iyo daadka.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalasda Muqdisho ayaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Cilmi waxa uu bogaadiyey qorshayaasha Maaraynta daadka iyo naqshadeynta biyo-mareennada ee hadda socda.

Barnaamijkan oo socon doona muddo 15 bilood ah ayaa isugu jira qiimayn & qaabayn lagu samayn doona biyo-mareenno casri ah oo ay yeelan doonto magaalada Baydhabo.