Madaxweynaha la doortay ee Somaliland oo kulan la yeeshay Saraakiisha Ciidanka Somaliland
Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha milatariga iyo saraakiisha kale ee hoggaanka u haya ciidanka Somaliland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista wada shaqaynta u dhexeysa madaxda iyo ciidamada si loo xoojiyo nabadgelyada iyo adkeynta ammaanka deegaanada Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa ku boorriyay saraakiisha ciidamada in ay sii wadaan dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo nabadda Somaliland, isaga oo ballanqaaday taageero dhammaystiran oo dhinacyada tababarka, qalabeynta, iyo sare u qaadista tayada ciidanka ah.
Sidoo kale, Cirro ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamadu kaalin mug leh ka qaataan ilaalinta shacabka iyo ilaalinta xuduudaha Somaliland si looga hortago caqabado amni.
Kulankaan ayaa yimid xilli wali Madaxweyne Muuse Biixi oo looga guuleystay doorashadii Madaxtinimada Somaliland wali uusan hambalyeyn Madaxweynaha la doortay.