U bood dhigaalka

Caro baahsan oo ka dhalatay sargaalkii lagu dhex feeray xarunta golaha Shacabka

Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay dhacdadii lagu jirdiley sargaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo u xilsaarnaa ilaalinta nabad-gelyada xarunta golaha shacabka, islamarkaana uu u gacan qaaday xildhibaan ka tirsan baarlaamanku.

Masuuliyiin dowladda ka tirsan, mudaneyaal iyo senatorro baarlamaan, iyo saraakiil ciidan ayaa isbitaalka Madiino ku booqday kormeere 3-aad Xuseen Maxamed oo xaaladdiisa caafimaad ay culustahay.

Dhammaan dadkii ka falceliyay dhacdadan ayaa sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo xildhibaankii falka geystay, sidoo kalena la dalacsiiyo sargaalkan maadaama uu ilaaliyay anshaxa ciidannimada, islamarkaana uu ka gaabsaday inuu la dagaallamo xildhibaanka soo weeraray.

Si kastaba ha ahaatee ciidanka ayaa ah laf-dhabarka dowladnimada iyo xasilloonida dalka, sidoo kalena waxay ku shaqeeyaan daruufo adag, balse in masuuliyiintii uu nabad-gelyadooda ilaalinayay ay dhaawac gaarsiiyaan ayaa la yaab noqatay.