U bood dhigaalka

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la yeeshay guddiga doorashooyinka iyo Soohdimaha

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan la qaatay Xubnaha  Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Mudane Cali Xoosh ayaa ugu horreyn ka warbixiyey ahmiyadda iyo shaqada adag ee hortaalla, waxaa uuna kula dardaarmay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha dardargelinta howlaha iyo gudashada Waajibkooda Qaran ee ku aaddan hirgalinta doorashooyin Qaran iyo Arrimaha Sohdimaha sida ku xusan Datsuurka dalka iyo Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

guddigan oo dhowaan la magacaabay, islamarkaana golaha wasiirrada iyo baarlamaankuba ay meel mariyeen ayaa laga sugayaa qabashada doorasho qof iyo cod ah, balse waxaa jira walaac laga qabo sida doorashadaasi ay hadda suurta-gal u tahay.