Sooyaalkii Aqoonyahan Maxamed Cabdullaahi Riiraash AUN
Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday qoraagii weynaa ee Maxamed Cabdullaali Riiraash oo sidoo kale ahaa suugaanyahan dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida muddo dheer aruurinayay.
Maxamed Cabdullaahi Riiraash wuxuu kamid ahaa macallimiintii qaranka ee ka baxay kulliyadda Lafoole, wuxuu ahaa qoraa arrimaha Soomaalida iyo taariikhda geeska Afrika wax badan ka qoray, sidoo kale wuxuu kamid ahaa Abwaanadii ka qeyb-galay silsiladdii Siinley.
Maxamed Cabdilaahi Riiraash waxa uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee waxbarashada iyo dhaqanka Soomalida hormariyay, waxaana lagu xasuustaa barnaamijyadii uu TV-ga Jabuuti ka qaban jirey ee kala ahaa Tixmaal, Sirta erayga, iyo dhaqanka iyo suugaanta.
waxa uu sanadkii 1945-tii ku dhashay deegaanka Jameecada oo hoostaga magaalada Gabiley, isaga oo waxbarashadiisa ku qaatay dugsiyada Shiikh iyo Camuud, marki danbena wuxuu ku biiray kulliyaddii Lafoole isaga oo muddo dheer ku shaqeynayay macalinimo.
Dugsi ku yaalla magaalada Baydhabo aya kamid ahaa meelihii uu macallinka ka ahaan jirey sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay intuu noolaa, sidoo kale wuxuu mar noqday madixii Manaahiijta Soomaaliyeed
Intaas ka dib wuxuu ku biiray jaamacadda ku taalla dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ka diyaariyay shahaadada Master-ka oo uu ku qaatay taariikhda Soomaalida iyo Sooyaalka Geeska Afrika, wuxuuna intii uu Ingiriiska joogay BBC-da ka baahin jirey barnaamijyo uu kamid ahaa taariikhda Halgamaa Axmed Gurey.
Dhammaadkii 80-tameeyadii wuxuu u wareegay dalka Jabuuti, wuxuuna ka shaqo billaabay TV-ga dowladda, asagoo qaban jirey barnaamijyadii caanka ahaa ee dhaqanka, Tixmaal, iyo Sirta erayga, kuwaas oo lagu marti-qaadi jirey Abwaanada iyo Aqoonyahannada waaweyn.
Barnaamijyadaas waxaa lagu wareystay Abwaanadii waaweynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, maxamed Xaashi “Gaarriye”, Cabdilqaadir Xirsi yamyam, Cabdi qays, Miicaad miigane, Ibraahim Gadhle iyo Suugaanyahanno kale.
Allaha unaxariistee Maxamed Cabdullaahi Riiraash ayaa qoray buugaag badan oo uu kamid yahay buugga Fatuuxul Xabasha oo ku saabsan taariikhdii iyo halgankii Axmed Gurey, buugga birma-gaydada, iyo kuwo kale.
Sidoo kale Riiraash waxa uu curiyay aragtida miisaanka Maansada Soomaalida, oo markii dambe noqatay laan kamid ah qeybaha muhiim u ah barashada suugaanta, ayadoo asaga Abwaan gaarriye ay ugu horreeyeen aqoonyahannadii hal-abuuray aragtidaas.
Abwaan Riiraash wuxuu kamid ahaa raggii silsiladdii Siinley uga qeyb-galay maansooyinkii ugu miisaanka cuslaa sida uu sheegay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, waxaana geeridiisa lagu tilmaamay Ileys ka damay geyiga Soomaaliga.