U bood dhigaalka

War-Saxaafadeed: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Tallaabo Anshaxeed ka Qaaday Xildhibaano

Warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu sheegay in laba bilood oo xiriir ah laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil.

Xildhibaanka ayaa fal gacan qaad ah 27-kii Bishii November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka, sidoo kalena waxaa ganaaxyo isugu jira jeris gunno iyo ka joojin fadhiyada Golaha lagu riday Xildhibaano lagu soo eedeeyay sida warqadda ku xusan is horistaagid Guntanka ama kooramka Golaha iyo ka hor imaansho Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Qodobka laad

Xubnaha Golaha Shacabka ee hoose xusan, kuwaas oo si ku-talagal ah u hor-istaagay guntanka, diidayna inay saxiixaan warqadda Xaadirinta kulankaas, in laga jaro gunnodooda shan meelood hal meel (1/5) sida uu qabo Qodabka 23aad Faqradda 16aad ee XGSH.
Xubanahaas oo kala ah:

  1. Xil. Xasan Cabdi Ismaaciil
  2. Xil. Axmed Maxamuud Jamac
  3. Xil. Cabdulqaadir Masamud Dagane
  4. Xil. Saadaq Cabdullahi Cabdi
  5. Xil. Axmed Cusmaan Ibraahim “Daqare”
  6. Xil. Cumar Yuusuf Galadiid
  7. Xil. Cali Mahdi Maxamed “Qalato”
  8. Xil. Cabdirizaaq Xasan Axmed “Dhookir”
    Qodobka 2aad
    Sidoo kale in xubnaha Golaha Shacabka magacyadooda hoos ku xusan yihiin, oo si buuxda uga horyimid in ay u hogaansamaan Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, gaar ahaan Qodobka 28aad iyo Qodobada 14aad, 16aad, 18aad, 50aad ee XGSH, in laga joojiyo shan (5) kulan oo ka mid ah kulamada ugu horeeyo kalfadhiga baad, Xubanahaasi waxay kala yihiin:
  9. Xil. Axmed Maxamuud Jamac
  10. Xil. Cabdulqaadir Maxamud Dagane
  11. Xil. SaadAq Cabdullahi Cabdi;
  12. Xil. Axmed Cusmaan Ibraahin “Daqare”
  13. Xil. Cumar Yuusuf Galadiid
  14. Xil. Cali Mahdi Maxamed Qalato
  15. Xil. Cabdirizaaq Xasan Axmed “Dhookir”
  16. Xil. Cabdirashiid Jire Qalinle
  17. Xil. Cabdinuur Cali Aadan Maxamuud
  18. Xil. Maxamed Cali Cumar “Caana-nuug”
  19. Xil. Mowliid Cabdi Maxamuud
  20. Xil. Cabdulqaadir Xuseen Cabdi “Uurdoox”
  21. Xil. Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif
  22. Xil. Maxamed Sheekh Nuur Cusmaan “Garaad”

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud Xildhibaanadda Golaha Shacabka ku bogaadiyay howlaha ay Qaranka u hayaan isaga oo kula dardaarmay ilaalinta iyo dhowrista nidaamka iyo sidoo kale habsami u socodka Golaha.