Dadkii kasoo baxay xabsiyada Qarsoodiga ah ee Dimishiq oo ka hadlay dhacdooyin Naxdin leh
Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay la soo bandhigay sheekooyin naxdin leh oo ka tarjumaya xadgudubyadii lagu sameeyay dad rayid ah oo xoog lagu qafaashay laguna xiray xabsiyo qarsoodi ah oo ku yaalla Suuriya, gaar ahaan caasimadda Dimishiq.
Dadkaas oo ay tiradoodu gaaraysay boqolaal qof ayaa sanadihii la soo dhaafay ku jiray xabsiyo lagu ciqaabo dadka lagu eedeeyo inay ka soo horjeedaan nidaamkii talada hayay ee Bishaar Al Asad.
Xogaha la helay ayaa muujinayay in maxaabiistaan lagu hayay xaalado daran oo bani’aadamnimada ka baxsan.
Qoysaskooda kama aysan warqabin halka lagu hayo, waxaana badankood loo maleeyay in la dilay.
Mid ka mid ah maxaabiistii lasoo badbaadiyay ayaa sheegay: “Waxaa la iga soo qafaashay gurigayga, anigoo aan cidina i ogeyn. Qoyskeyguna waxay u qaateen inaan dhintay. Sanado ayaan ku qaadanay xabsiga iyadoo aan cidna war naga hayn.”
Maalmihii ugu dambeeyay ee uu dagaalka Suuriya socday, xoogagga mucaaradka ah ee kasoo horjeeda nidaamka Bashar al-Assad ayaa galay xabsiyo badan oo ay maamulayeen ciidamada dowladda.
Howlgallo ay sameeyeen mucaaradka ayaa lagu sii daayay dad badan oo maxaabiis ah.
Xog cusub oo soo baxday ayaa muujisay in qaarkood si lama filaan ah Mucaaradku ay u badbaadiyeen xilli dil toogasho ah loo diyaarinayay oo saacado uun ka hareen.
Mid ka mid ah ragaas badbaaday ayaa sheegay in 54 qof oo ay hal meel ku wada xirnaayeen in la toogan rabay maalintii Sabtida. Isagoo taagan bartamaha Dimishiq ayuu yiri: “Waxaan ku dhaaranayaa Allaah, aniga iyo ninkaan ila taagan waxaa nala deldeli lahaa 30 daqiiqo kahor. Mucaaradka ayaa soo galay oo xabsiga naga soo badbaadiyay.”