U bood dhigaalka

Waa sidee xaaladda magaalada Ceerigaabo oo saacado ka hor shaqaaqo ay ka dhacday ?

Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagnayd xiisad u dhexaysay Soomaaliland iyo Khaatumo, taas oo dhawr gacan ka hadal isku badeshay, islamarkaana waxyeello dhimasho, dhaawac, iyo burburba leh horseeday.

Iska hor-imaadkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay 14-kii bishan, waxayna maamulka Khaatumo oo war saxaafadeed ka soo saaray tilmaameen in dhinaca Soomaaliland looga soo qaaday weerar, islamarkaana la burburiyay guryo ay magaaladaas ku lahaayeen dad rayid ka soo jeeda dhinaca SSC-Khaatumo.

Sidoo kale wasiirka Amniga Khaatumo Ibraahim Jaamac Raygal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadoodu ay gudaha magaalada difaac uga jiraan, asagoo Soomaaliland ku eedeeyay inay diidantahay nabad ku wada noolaanshaha bulshada Ceerigaabo.

Soomaaliland dhankeeda waxay sheegtay inay si degdeg ah u soo afjarayso shaqaaqooyinka ka dhacaya Ceerigaabo, wuxuuna taliska Booliska magaaladaasi dadweynaha faray inay guryohooda ku ekaadaan in ay socdaan howlgallo ay sheegeen inay ka samayn doonaan xaafadaha magaalada, gaar ahaan goobihii ay iska hor imaadyadu ka dheceen.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaaladaasi sheegayaan in hadda xaaladdu deggantahay, balse ay socdaan dhaqdhaqaaqyo dhiillo leh oo laga dareemayo inta badan deegaannada gobolkaasi Sanaag.

Si kastaba ha ahaatee Ceerigaabo ayaa bilihii la soo dhaafay gundhig u noqatay hardanka u dhexeeya Soomaaliland iyo Khaatumo, lamana oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladda magaaladdaas oo 30-kii sanoo la soo dhaafay safka hore uga jirtat magaalooyinka ugu nabdoon geyiga Soomaalida.