U bood dhigaalka

Axmed Madoobe oo Gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Gedo

Sheeko:War

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maxamed Xuseen Isaaq (Alqaadi) u Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Al qaadi ayaa muddo dheer ahaa Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo.

Magacaabistiisa ayaa timid Xilli Gudoomiyaha hadda ee gobolka Gedo uu xiriirka u jaray maamulka Jubbaland islamarkaana uu la xirtay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa bilaabay maalmihii lasoo dhaafay in uu xoogga saaro sidii uu uga hortagi lahaa in gobolka Gedo uu soo galo gacanta Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday is doorashadii Madaxweynaha Jubaland ee dhawaan ka dhacday Kismaayo waxa ay ku tilmaamtay mid sharci daro ah.