DFS oo dalka dib ugu soo celisay 147 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah
Sheeko:Warar & Warbixino
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo Hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa dalka dib ugu soo celisay 147 muwaadin oo si tahriib ah ku tagay dalka Libya, waxaana laga soo badbaadiyey xabsiyo ay muddo dheer ku jireen iyo kooxo magafeyaal ah oo madax-furasho u heystay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhalinyaradaan ka kala dejisay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaana ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Dowladda ayaa sidaan oo kale todobaadyo ka hor dalka dib ugu soo celisay in ka badan 161 muwaadin oo ku xayirnaa dalka Libya, kuwaas oo Muqdisho iyo Hargeysa ka kala degay.