Booliska Soomaaliya oo maanta u dabaaldegaya 81 sanad guuradii ka soo wareegtay aas-aaskooda
Sheeko:Warar & Warbixino
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2024/12/20134052/E2I1118.jpg)
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta sanad guuradii 81-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay, waxayna masuuliyiinta dowladda iyo saraakiishu dhambaallo hambalyo u direen qeybaha kala duwan ee ciidanka.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo ka hadlay ahmiyadda maalintan ayaa u hambalyeynayaa Sareeyayaasha, Saraakiisha, Kormeerayaasha, Saraakiil-xigeenada, Alifleyda, Dableyda, iyo xaasaska booliska iyo carruurtooda.
Boolisk Soomaaliya oo ah midka ugu faca-weyn ciidamada qalabka sida ayaa la aas-aasay 20-kii bishii December sanadkii 1943-dii, xilligaas oo gumeysteyaashii Talyaaniga iyo Ingiriisku dalka maamulayeen.