U bood dhigaalka

Axmed Madoobe oo mar kale magacaabay labadiisii madaxweyne ku xegeen ee hore

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa wareegto uu soo saaray mar kale ku magacaabay Madaxweyne Kuxigeenka koowaad iyo labaad oo loo kala magacaabay Maxamuud Sayid Aadan iyo C/qaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere kuwaasoo horay u joogay Xafiiska.

Labadan nin ayaa hadda xilalkaas haya oo muddo xileedkii hore la soo shaqeeyay madaxweyne Axmed Madoobe, dib u magacaabistooda ayaana muujinaysa inaanu jirin is badel xukuumadeed oo Jubbaland ka dhacay.

sidoo kale guddoomiyihii baarlaamanka maamulkaas ayaa asna kursiga ku soo noqday, ka dib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo, waxaana dhammaan masuuliyiintan u billaabmaya muddo xileed cusub oo aanay dowladda dhexe aqoonsanayn.