U bood dhigaalka

Maxay ka wada-hadleen wasiirrada arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Masar ?

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay  dhiggiisa Masar Dr. Badr Abdel Aty, waxaana kulankooda oo ka dhacay magaalada Qaahira diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo raadinta fursado iskaashi oo cusub, iyada oo lagu heshiiyay in xiriirka la gaarsiiyo heer istiraatiijiyadeed, labada dhinac ayaana isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyadoo loo marayo Madasha Soomaaliya iyo Masar, oo lagu qaban doono Qaahira Janaayo 2025. 

Intii lagu jiray wada hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Masar ay ku leedahay taageeridda dadaallada dib-u-dhiska Soomaaliya iyo sida ay uga go’antahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo dhuleed ee Soomaaliya, waxaana uu mar kale xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’antahay dhammaan heshiisyada ay la gashay Masar, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee lagu gaari karo xasilloonida iyo horumarka gobolka. 

Dhinaca kale Dr. Badr Abdel Aty ayaa markale xaqiijiyay sida Masar uga go’antahay taageeridda madax-bannaanida, midnimada iyo dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah, waxaana uu hoosta ka xarriiqay dadaallada joogtada ah ee Masar ku bixinayso taageeridda dawladda iyo hay’adaha Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in la xoojiyo xiriir xooggan oo waara oo dhexmara labada dal.