U bood dhigaalka

Maamulka gobolka shabeellada dhexe oo sheegtay in gacanta lagu soo dhigay qaar kamida raggii askarta laayay

Maamulka gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigey qaar kamida maleeshiyadii dhowaan askarta ku diley deegaanka Ceelbaraf ee gobolkaas.

Guddoomiyaha gonolka shabeellada dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay labo kamid ah kooxdii dil wadareedka u geystay askarta ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xabsiga loo taxaabay guddoomiyihii deegaankaas iyo masuuliyiin kale oo lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen xil gudashadii looga baahnaa, islamarkaana ay socdaan howlgal xooggan oo lagu baadi goobayo kuwii falka geystay.

Falkii ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ayaa horseeday caro bulsho iyo gadood ciidan oo xoog leh, waxayna dowladda Soomaaliya wacad ku martay in 48 saacadood lagu soo qaban doono maleeshiyadii ka dambeysay dhacdadaas argagaxa leh.