U bood dhigaalka

Askartii dhowaan lagu diley deegaanka Ceelbaraf oo aas qaran loo sameeyay

Askartii ka tirsanayd ciidanka xoogga dalka ee dhowaan si arxan-darrada ah loogu laayay deegaanka Ceelbaraf ayaa aas qaran oo aad u ballaaran loogu sameeyay magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin iyo waxgarad kala duwan.

Taliyaasha Nabad Sugida iyo xoogga dalka ayaa kamid ahaa madaxdii aaska askarta ka qeyb-gashay, ayagoo dareenka murugada leh la wadaagay qoysaskii askarta la laayay iyo dadweynihii kale ee goobta ku sugnaa.

Dhacdadii Ceelbaraf ayaa dhalisay caro bulsho oo baaxad leh iyo gadood ciidan, balse dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah galisay sidii saamaynta falkaas loo yarayn lahaa intaan dhinacyo kala ka faa’iidaysan.

magaalada Baladweyne uga qeyb-galay Aaska askartii dhawaan lagu dilay Ceelbaraf.