Maxay ku saabsan yihiin wadahadallada Soomaaliya iyo Masar ee Todobaadka soo socda Furmaya?
Sheeko:War
Masar ayaa wadahadallo la yeelan doonta Soomaaliya toddobaadka soo socda si ay uga wada hadlaan ka qaybqaadashada ciidamada Masar ee ka mid noqonaya howlgalka AUSSOM.
Wadahadalladan ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan magaalada Qaahira inta u dhaxaysa Janaayo 15-17, sida uu sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidamo keeni doono howlgalka taageerada iyo xasillinta Midowga Afrika, kadib markii Soomaaliya ay codsatay arrintaas.
Soomaaliya ayaa sidoo kale ka fiirsanaysa inay dib uga laabato go’aankii looga reebay ciidamada Itoobiya hawlgalka nabad ilaalinta.