U bood dhigaalka

Puntland oo sheegtay in ciidankeedu ay dagaal kooxda Daacish dhex maray ku dileen ilaa 20 dagaalame

Puntland ayaa sheegay in dagaal culus dhexmaray ciidameeda Difaaca maamulkaas iyo ururka Daacish lagu diley in ka badan 20 ruux oo ay ku jiraan ajaaniib caddaan ah, iyo xubno kale oo kooxdaas ka tirsanaa.

Dagaalkan oo ahaa mid u culus ayaa ka dhacay togga lagu magacaabo Dhabancad oo qiyaastii 13 km u jira magaalada Balidhidhin ee gobolka Bari.

Afhayeenka ciidamada Puntland, Gen.Maxamed Axmed oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in  dagaalka lagu diley labaataneeyo ka tirsan Daacish oo ay ku jiraan ajaaniib, afar kamid ahi ay ahaayeen caddaan, iyo haweeney ku hadleysay afka Amxaarada ee Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad ka hor markii ay Puntland shaacisay guluf ay ku qaadayso buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ah fariisinka ugu weyn ee Daacishta Soomaaliya ku sugan.