๐ฅ๐ฎ’๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐ด๐ฎ๐ -๐ฑ๐ต๐ถ๐ด๐ฎ๐ ๐ฑ๐ต๐ถ๐๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฐ๐๐๐๐ฏ ๐ด๐ฎ๐ฟ๐๐ผ๐ผ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ
Raโiisul Wasaaraha, ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan heyโaddaha garsoorka dalka, taas oo ah tallaabo weyn oo loo qaadday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan heyโaddaha caddaaladda dalka.
โHirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaadday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis laโaan, tan oo ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka, iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeedโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha.
Munaasabadda dhax-dhigga dhismaha Garsoorka dalka, waxaa goobjoog ka ahaa, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Racfaanka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan heyโaddaha caddaaladda dalka.