Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoquraadiga ah ee Koongo oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah, danjire Axmed Macallin Fiqi oo magaalada New York ee dalka Mareykanka ku sugan ayaa halkaas kula kulmay Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo u qaabilsan Qaramada Midoobey Er, Zénon Ngay Mukongo.
Labada masuul ayaa ka wada-hadlay sara u qaadista xiriirka ka dhaxeeya labada dal, danaha ay wadaagaan, iyo horumarka siyaasadeed iyo amni ee Afrikada dhexe iyo guud ahaan qaaradda.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista xiriirka dhaqaale, dhowrista midnimada dhuleed iyo qaranimo ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoquraadiga Koongo, iyagoo dhinaca kale la isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in aragti lagu xaliyo caqabadaha gobolka, iyo xaqiijinta badqabka iyo ammaanka ganacsatada Soomaaliyeed ee beec-mushtarka ku ah DRC, loona fududeeyo habraacyada lagu ilaalinayo naftooda iyo danahooda maaliyadeed.