Soomaaliya iyo Slovenia oo Xoojinaya Iskaashiga Dib-u-dhiska iyo Horumarinta
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa magaalada New York kula kulmay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Jamhuuriyadda Slovenia, Tanja Fajon.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada horumarinta iyo dib-u-dhiska.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, iyada oo la falanqeeyay dadaallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee ka howlgala Soomaaliya.
Wasiir Axmed iyo Wasiir Fajon ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay dib-u-dhiska goobaha la xorreeyay, iyadoo la dardargelinayo dhismaha kaabayaasha muhiimka ah sida iskuullada, isbitaallada iyo saldhigyada booliiska.
Labada dhinac ayaa isku raacay in iskaashi dhow laga yeesho arrimaha dib-u-dhiska iyo horumarinta, si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo xasillooni waarta. Wasiir Fajon ayaa dhankeeda ballan qaaday in Slovenia ay gacan ka geysan doonto dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka dalka.