U bood dhigaalka

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ruushka oo Nuqul kamida waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

Wasiir ki xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Ruushka, ahna Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha Federaalka Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika Mikhail Bogdanov ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiira cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ruushka Mudane Maxamed Abuukar Subayr.

Danjire Maxamed Abuukar Safiirka Soomaaliya ee Ruushka oo uga mahadceliyay Wasiirka ku xigeenka soo dhowaynta ayaa sidoo kale sheegay inuu rajaynayo in labada dhinac ay ka sii wada shaqeeyaan horumarinta iyo xoojinta xiriirka labada Wadan.

Ruushka ayaa kamid ah dalalka dunida ugu awoodda badan, xariirkiisuna Soomaaliya muhiimad weyn ayuu u leeyahay markii la eego dhinacyada difaaaca iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida.